Hay'add NGO ayaa ku baaqday in Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay baaritaan ku sameyso Biden kadib eedeymo ku saabsan ku lug lahaanshihiisa dambiyada dagaalka ee Gaza.
Hay'add NGO ayaa ku baaqday in Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay baaritaan ku sameyso Biden kadib eedeymo ku saabsan ku lug lahaanshihiisa dambiyada dagaalka ee Gaza.
Democracy for the Arab World Now (DAWN) ayaa ka codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) in ay baaritaan ku sameyso madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dambiyada dagaalka ee la xidhiidha dagaalka Israel ee Gaza.
DAWN ayaa sidoo kale ka codsatay ICC in ay baaritaan ku sameyso xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Antony Blinken iyo Xoghayaha Gaashaandhigga Lloyd Austin.
Sadexdan qof ayaa loo soo jeediyay in la baadho "doorkooda gacan ka gaaysashada iyo caawinta, iyo sidoo kale si ula kac ah uga qayb qaadashada, dambiyada dagaalka ee Israel iyo dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Gaza," ayuu DAWN ku sheegay warbixin 172 bog ah oo uu u diray Dacwad-oogaha ICC, Karim Khan.

Comments
Post a Comment