WARBIXIN: MADAXWYNE CIRRO OO QASRIGA MADATOOYADA KU QAABILAY MADAXWYNE RIYAALE
Madaxweyne Cirro oo la kulmay Madaxweynihii hore JS 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii 3-aad ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Kulankan ayaa ahaa mid ay ku dheehan tahay is-qaddarin, niyad-sami iyo laab-furnaan, iyada oo labada Mas’uul ay si weyn uga wada hadleen geedi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga nabadda, xasilloonida, horumarka, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin si mug leh ugaga mahad naqay doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa taabba-gelinta hannaanka Dawladnimo iyo doorashooyinka ee aynu haatan ku naaloonayno, xag nabad-gelyo, xag horumar iyo xagga Dimuqraadiyaddaba. Kulanka dhex maray labada Madaxweyne ayaa waxa uu caddayn u yahay ka wada ...